MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa eedeymo culus oo la xiriira la wareegista iyo iibinta dhulal danta guud ah, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay laga dareemayay howlgal ka socda gudaha magaalada Muqdisho.
Siyaasi Faarax Dharaar, oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Shabelle ku eedeeyay dowladda inay si sharci-darro ah ku bixinayso dhulalka, isla markaana ay si gaar ah u iibinayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, lacagtana aanay ku dhicin Bangiga Dhexe ee dowladda.
“Dhulal danta guud ah ayaa la sheegaya in la iibinayo, waxaana nasiib darro ah in lacagahaas aysan galin khasnadda dowladda balse ay si toos ah ugu dhacayaan jeebabka shaqsiyaad gaar ah,” ayuu yiri Faarax Dharaar.
Dharaar ayaa sidoo kale ka falceliyay hadal kasoo baxay dowladda oo sheegaya in lacagaha kasoo xarooday iibinta dhulalkaas lagu iibiyay diyaarado dagaal. Wuxuu sheegay in diyaaradahaasi aysan ahayn kuwo la iibsaday, balse ay yihiin kuwo deeq ahaan lagu siiyay dowladda Soomaaliya.
“Dowladda ha sheegan wax aysan iibsan. Diyaaradaha dagaalka waa lagu deeqay, ma jirto lacag dowladeed oo lagu bixiyay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hadalka siyaasigan ayaa kusoo aadaya iyadoo muddooyinkii dambe dowladda Federaalka ay waday qorshe ay kula wareegayso dhulal badan oo danta guud ah, kuwaasoo intooda badan ku yaalla magaalada Muqdisho, taasoo dhalisay cabashooyin isa soo taraya oo ka imaanaya siyaasiyiin iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka.
Ilaa iyo hadda, dowladda kama aysan jawaabin si rasmi ah eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa iyo iibinta dhulalka, inkasta oo horey loo sheegay in tallaabooyinkaasi qayb ka yihiin qorshe horumarineed oo lagu xoojinayo adeegyada dowladda.




