KISMAAYO, 23 September 2025 – Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Guutada Saddexaad, ayaa qaaday howlgal ballaaran oo saddex-geesood ah oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan sifeynta ah oo si guud u hoggaaminayay Taliyaha Guutada Labaad, Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdi Cilmooge, ayaa xoogga lagu saaray aagga Libaaxley iyo Barjala, halkaas oo ciidanka koowaad uu dagaal culus kula galay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka labaad oo uu hoggaaminayay Abaanduulaha Guutada Labaad, Cabdullaahi Cabdi Abukar, ayaa gudaha u galay keymaha howdka ah ee gobolka, iyagoo halkaas ka sifeynayay xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha argagixisada.
Dhanka kale, ciidanka saddexaad oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka Labaad ee Daraawiishta, Cali Xasan Aadan, ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Orgiiyow oo kamid ah meelaha ay Al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo qarsoodi ah.
Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu dilay ugu yaraan 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal sar-sare.
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa weli ku sugan goobihii lagu dagaallamay, iyagoo wada baadi-goobka xubnaha kale ee ka cararay dagaalka, waxaana lagu wargeliyay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago soo noqoshada Al-Shabaab.



