Jaamacadda SIMAD oo lagu eedeeyay in ay saldhig u noqotay tuugo siyaasadeed iyo xaraashka hantida shacabka

0

MUQDISHO, 23 Sebtembar 2025 – Jaamacadda Simad ee ku taalla magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa eedeymo culus oo la xiriira in ay saldhig u noqotay kooxo siyaasiin ah oo lagu tilmaamay in ay ku takri-faleen hantida dadweynaha, xaraasheen dhul danguud ah, isla markaana ka qeyb qaateen barakicinta muwaadiniin sabool ah.

 

Eedeymahan ayaa waxaa si cad u jeediyay ganacsade weyn Maxamed Maxamuud Wheliye, oo loo yaqaan “Adaa ka Ur Badan”, kaas oo sheegay in Jaamacadda Simad ay gacanta ugu jirto masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu ku sifeeyay “tuugo siyaasadeed” kasoo jeeda jaamacaddaas, kuwaas oo “la degay dowladnimada dalka”.

Ganacsadaha ayaa sheegay in Jaamacadda Simad laga dhisay dhul danguud ah oo ay lahayd dowladdii kacaanka, gaar ahaan dhulkii loogu talagalay guryeynta shacabka saboolka ah.

Wuxuu tilmaamay in dhulkaasi si sharci-darro ah lagu wareejiyay mulkiilayaasha jaamacadda, isagoo ku eedeeyay in ay tahay “astaanta ugu weyn ee musuqmaasuqa hanti-dhawr la’aanta ku dhisan”.

Sidoo kale, waxaa uu si gaar ah u tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid yahay aasaasayaashii Jaamacadda Simad, taasoo uu sheegay in ay su’aalo badan ka dhalinayso marka loo eego xilka uu hayo iyo doorkiisa dowladnimo.

Eedeymahan weli kama aysan jawaabin maamulka Jaamacadda Simad ama xafiiska Madaxweynaha, hase yeeshee waxaa ay kusoo beegmayaan xilli ay soo kordhayaan cabashooyinka ku aaddan boobka dhulalka danta guud ee ka socda magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here