NEW YORK – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa heshiis is-afgarad ah kula saxiixday magaalada New York dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaas ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah loo saxiixay heshiis u dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia.
Heshiiskan is-afgaradka ah ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda tababbarka diblomaasiyiinta labada dal, is-weydaarsiga aqoonta, iyo dhisidda awoodda hay’adaha arrimaha dibadda, si loo kobciyo xirfadaha iyo aqoonta la xiriirta siyaasadda arrimaha dibadda iyo adeegga diblomaasiyadeed.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha caalamiga ah iyo fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, iyagoo caddeeyay sida labada dowladood ugu heelan yihiin in ay horumariyaan xiriirkooda laba geesoodka ah.
Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto in ay xoojiso saaxiibtinimada caalamiga ah, iyada oo dhanka kale Serbia ay muujisay diyaar garow ay u leedahay in ay kor u qaaddo iskaashiga ay la leedahay waddamada Afrika, gaar ahaan kuwa ku yaalla Geeska Afrika.



