MUQDISHO — Habeenimadii xalay, Golaha Isku Magacaabay Samatabixinta Qaran ee mucaaradka ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho, waxaana looga dooday xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlay kulanka ayaa si weyn uga hadlay xaaladda amniga iyo dagaallada ay dowladda la gashay kooxda Al-Shabaab.
Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in kooxaha hubeysan ee dib ugu soo laabtay deegaannadii horay looga saaray ay sabab u yihiin go’aannada siyaasadeed ee dowladda, taas oo u suuragelisay kooxda Al-Shabaab inay dib u xoogeystaan.
“Go’aannada siyaasadeed ee dowladda ayaa horseeday in kooxihii laga saaray deegaannada ay dib ugu soo laabtaan, taasoo keentay in xaaladda amni ay kasii darto,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore ayaa intaa ku daray in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan wax ka beddelin siyaasadda uu ku wajahay dagaalka iyo arrimaha gudaha, xaaladda amni ee dalka ay noqon karto mid ka sii murugsan tan hadda jirta.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, kuwaas oo mucaaradku si xooggan u dhaliilayaan hoggaanka dowladda ee uu horkacayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Samatabixinta Qaran ayaa ku baaqay in la helo isbeddel dhab ah oo siyaasadeed si loo xaliyo dhibaatooyinka amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira.




