Labo Askari oo Maxkamad La Soo Taagay Geerida Haweeney Xaamilo Ah Oo Qaliinkeeda saxiixeen

0

Muqdisho – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta horkeentay laba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci-darro ah u saxiixeen oggolaansho qalliin caafimaad oo lagu sameeyay gabar xaamilo ahayd — taasoo ugu dambeyn geeriyootay.

 

Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada askari aysan wax xiriir qoys ah la lahayn gabadha la qallay, balse ay si aan sharci ahayn u saxiixeen warqaddii oggolaanshaha qallinka. Tallaabadaasi ayaa sababtay in qalliin lagu sameeyo haweeneydii, taasoo markii dambe u dhimatay dhibaatooyinka ka dhashay qallinka.

Maxkamadda ciidamada ayaa si adag u weydiisay labada askari sababta ay u saxiixeen warqadda oggolaanshaha iyadoo aysan wax xiriir ah la lahayn dhibbanaha. Eedeysanayaasha ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan ka been-sheegid xiriir qoys, ku tagrifal awoodeed, iyo ka qeyb qaadasho ficil sabab u noqday dhimasho qof rayid ah.

Dacwaddan ayaa si weyn uga dhex baxday bulshada Soomaaliyeed, iyadoo si ba’an loogu falanqeeyay baraha bulshada. Dadweyne badan ayaa muujiyay caro iyo murugo ku saabsan sida fudud ee loo marin habaabiyay hanaanka oggolaanshaha qallinka, taas oo ay ku tilmaameen mid muujinaysa baahida loo qabo xeerar adag iyo ilaalin dhab ah oo lagu hago adeegyada caafimaadka, gaar ahaan marka ay khusayso dadka aan awoodin in ay codkooda sheegaan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay si buuxda u eegi doonto caddeymaha la hor keenay, ayna la xisaabtami doonto cid kasta oo ku lug leh arrintan. Dhageysiga dacwadda ayaa la filayaa in ay sii socoto maalmaha soo socda.

Arrintan ayaa ka mid noqotay kiisaska ugu dareenka badan ee ka dhaca gudaha Soomaaliya sanadkan, iyadoo shacabka iyo hay’adaha xuquuqda aadamaha ay dalbadeen in si qoto dheer loo baadho dhacdada, loona helo caddaalad dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here