Muqdisho – iska horimaad culus ayaa ka dhacay bannaanka saldhigga booliiska degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ciidamo booliis ah iyo xubno ka tirsan mucaaradka ay isku dhaceen, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo mas’uuliyiin.
Israsaaseynta ayaa sababtay khasaaro soo gaaray ciidamada amniga, xubno mucaarad ah iyo dad shacab ah.
Dagaalku wuxuu billowday kadib markii mas’uuliyiin mucaarad ah oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay tageen suuqa Siinaay ee Muqdisho, halkaas oo ciidamada dowladda lagu eedeeyay in ay shacabka ku dhibaateeyeen.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in rasaas culus iyo mid fudud la is weydaarsaday meel u dhow saldhigga booliiska, iyadoo rasaas aan loo meel dayin ay gudaha u gashay xabsiyo lagu hayay maxaabiis. Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dadka dhintay ama dhaawacmay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah ku cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “isku day hubeysan” oo ay siyaasiyiin doonaya xukun raadis ku qabsadeen saldhigga booliiska Warta Nabadda.
“Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay in siyaasiyiin doonaya inay dalka xukunka qabsadaan ay dhiigga shacabka iyo ciidamada qaranka ee la dagaallamaya argagixisada daadinayaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa si toos ah mas’uuliyadda dhacdada dusha uga saaray madaxda mucaaradka, iyaga oo ku eedeeyay inay wiiqayaan amniga, kala dambeynta iyo sharciga.
Isku dhaca ayaa muujinaya xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa ee u dhaxeysa xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, taas oo dhalisay cabsi laga qabo in qalalaase hor leh uu ka qarxo caasimadda.




