Muqdisho – Xiisadihii u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa hoos u dhacay maalmahan, kadib markii ay sare u kaceen eedeymo la xiriira dhul-boob dowladda lagu eedeeyay inay ka waddo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor, oo ah mid ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ee saamaynta ku leh gobolka Banaadir, ayaa si cad u sheegay in xaafadda Siinaay aysan ka dhici doonin wax mudaharaad ah, isagoo xusay in dowladda aysan jirin cid ay ku khasbeyso inay bannaanbax sameyso ama ay ka baaqato.
“Reer Siinaay waxaa lagu qasbay lacago aysan awoodin. Dowladdu waa iney arrintan jawaab cad ka bixisaa,” ayuu yiri Boqor Shadoor, isagoo sheegay in dadka deegaanka ay ka fogaayeen wax kasta oo keeni kara rabshado ama iska hor imaad.
Boqorka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in bulshada Siinaay ay mudnaan siiyaan nabadda, wadajirka, iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir.
Wuxuu ku baaqay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan ficillo keeni kara dagaal sokeeye ama iska horimaad hubeysan.
“Wax walba nabad ayaa lagu gaaraa. Dalka wuxuu u baahan yahay xasilooni, waxaana muhiim ah in qof walba uu ka shaqeeyo badbaadada ummadda,” ayuu raaciyay Boqor Shadoor.
Xaafadda Siinaay ayaa horey uga mid ahayd meelaha dowladda ay ka barakicisay dad rayid ah, taasi oo mucaaradka ay u arkeen mid lagu baabi’inayo guryihii dadku lahaayeen, isla markaana ka dhigtay goob bannaan oo ay ku dhigaan mudaharaadyo ka dhan ah dowladda.




