Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kormeer Ku Tagay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaano u dhow degmada Awdheegle. Kormeerka waxaa ku wehliyay Taliyaha Qeybta 1-aad ee Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo saraakiil sare oo kale.

 

Taliyaha ayaa booqday saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamada isgarabsanaya ee howlgalka ka wada gobolkaasi, isagoo bogaadiyay guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay ciidamada in ay sii labanlaabaan dadaallada si loo ciribtiro meelaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan kooxaha cadawga.

Howlgalka wajigiisa saddexaad ee Duufaanta Aamusnaanta (Operation Silent Storm) ayaa si xooggan uga socda gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus iyo jab militari.

Taliyaha ayaa xusay in guulaha laga gaaray howlgallada ay muujinayaan isbedel muuqda, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ciidamada qaranka iyo kuwa AUSSOM si loo sugo xasilloonida iyo nabadda deegaanka.

Waxaa la filayaa in wajiyada xiga ee howlgalka lagu balaariyo deegaanada ay wali ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here