Gacansato Soomaaliyeed oo Lagu Weeraray Mayfair, Johannesburg

0

Johannesburg, Koonfur Afrika — Wararka ka imaanaya magaalada Johannesburg, gaar ahaan xaafadda Mayfair, ayaa sheegaya in toogasho lala beegsaday ganacsato Soomaaliyeed, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.

 

Weerarka ayaa ka dhacay wadada Somerset ee xaafadda Mayfair, waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo koobay Aaliyah. Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdiaziz Gendershe.

Dhaawaca Abdiaziz ayaa la geeyay mid kamid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Johannesburg si loogu dabiibo dhaawacyada soo gaaray. Ilaa hadda lama oga sababta weerarkan iyo ciddii ka dambeysay, waxaana socda baaritaanno ay wadaan hay’adaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika.

Sida ay wararku sheegayaan, marxuumad Aaliyah waxay ahayd hooyo heysatay 3 carruur ah. Waxaana lagu warramayaa in ay ahayd xaas horey u qabay Maxamuud Abdiraxman Siyaad Doole, oo isagana lagu dilay isla xaafadda Mayfair bishii April ee sanadkan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa muddooyinkii dambe noqday meel khatar ku ah ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo si joogto ah loogu dhibaateeyo, looguna dilo meelo kala duwan oo ka mid ah dalkaasi.

Weerarada noocan ah ayaa kusoo badanaya, iyadoo aysan muuqan wax tallaabo ah oo wax ku ool ah oo lagu xakameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here