MUQDISHO – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli xirnaanaya muddo ka badan afar bilood, iyadoo aan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee dib loogu furi doono kulamadiisa caadiga ah, sida ay wararku sheegayaan.
Xilli shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in labada aqal ee Baarlamaanka — Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare — ay dib u billaabaan howlaha sharci-dejinta, haddana kulamadii la filayay 20-kii bishaan Sebtember ayaa dib u dhacay sababo aan si rasmi ah loo caddeyn.
Injineer Nuur Sheekh Cali, oo ah siyaasi si dhow u odorosa arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Shabelle ku sheegay in baarlamaanka hadda jira uu yahay “kii ugu liitay abid ee soo mara taariikhda Soomaaliya.”
Wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka inuu xilka u adeegsado dano shaqsi ah oo uusan ka shaqeyn danaha shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in masuuliyadda uu hayo aan si dhab ah loo gudan.
Sidoo kale, Injineer Nuur ayaa dhaleeceyn u jeediyay xildhibaano uu ku sifeeyay kuwo si khaldan ugu soo dhex baxay baarlamaanka, kana yimid saameyn qabiil, isagoo ku eedeeyay in ay si indho la’aan ah u difaacaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo ay jiraan khaladaad siyaasadeed oo muuqda.
“Waxaa intaa dheer,” ayuu yiri Injineer Nuur, “xildhibaano badan oo golaha ku jira waa kuwo aan lahayn aqoon iyo karti siyaasadeed oo ay xilkan ku gudan karaan.”
Inkasta oo aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka ama dowladda, haddana dib u dhaca fadhiyada baarlamaanka ayaa laga dareemayaa niyad-jab iyo walaac ku saabsan sida uu u shaqeynayo nidaamka dowladeed ee dalka.




