Ciidamada Puntland oo oo kaashanaya askar Ajnabi ah Howlgallo ka fuliyay Buuraha Calmiskaad

0

CALMISKAAD – Ciidamada Daraawiishta Puntland oo garab ka helaya saaxiibada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyey howlgallo culus buuraleyda gobolka Bari, halkaasi oo muddo dheer ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda Daacish.

 

Howlgallada ayaa ahaa kuwo si qorshaysan loo fuliyey, waxaana ciidamada Puntland ay dagaallo xooggan kadib gacanta ku dhigeen fariisimo muhiim ah oo kooxda ay ku lahayd deegaanada buuraha, kuwaas oo markii dambe gabi ahaanba laga saarayo Daacish.

Intii uu howlgalka socday, waxaa ciidamada Puntland u suurtagashay inay helaan xog sirdoon oo muhiim ah, taas oo iftiimisay qaabka kooxda u abaabusho dagaallada, sida ay u gudbiso fariimaha gudaha iyo dibadda, iyo meelaha ay ku keydsadaan sahayda, hubka iyo agabka ay isticmaalaan.

Sidoo kale, xuguha sirdoon ee ay Ciidamadu gacanta ku dhigeen ayaa muujiyey in kooxda ay xubno ka tirsan yihiin ajanib kasoo kala jeeda dalal shisheeye, taas oo sababtay in qorshayaashooda dagaal si fudud loo fahmo laguna bartilmaameedsado. Saraakiisha ayaa sheegay in xogtaan cusub ay sare u qaadayso awoodda ciidamada Puntland ay ku beegsadaan haraadiga kooxda.

Wararka kale ayaa tilmaamaya in howlgalka lagu dilay tiro ka tirsan dagaalyahannada Daacish, halka qaar kalena ay ka baxsadeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub culus iyo rasaas badan, oo ay kooxda u adeegsan jireen weerarrada ay ka gaysan jireen gobolka.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyey in howlgalada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa kooxda laga cirib tiro buuraleyda gobolka Bari, iyadoo qorshuhu yahay in la xaqiijiyo amniga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here