Muqdisho – Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furmaya, iyadoo uu horyaallo ajandayaal culus oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, iyo shuruuc muhiim u ah dhismaha dowladnimada.
Kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka ka jiro buuq siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, arrintaas oo sababtay in dhowr jeer dib loo dhigo furitaankiisa. Waxaa jira walaac laga qabo in kulanka maanta uu hareeyo sawaxan iyo diidmo siyaasadeed, maadaama ay jiraan xildhibaanno mucaarad ah oo si weyn uga soo horjeeda hannaanka siyaasadeed ee haatan socda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga, isaga oo jeedin doona khudbaddiisa dastuuriga ah. Khudbaddaasi ayaa diiradda saari doonta waxqabadka dowladda, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horyaalla Baarlamaanka inta lagu jiro kalfadhiga.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo guulaha dowladda ay sheegtay inay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habeynta maaliyadeed, iyo horumarka xiriirka caalamiga ah, halka Baarlamaanka laga sugayo inuu xoogga saaro mooshinnada iyo sharciyada mudnaanta u leh dalka iyo bulshada.
Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan mowjado siyaasadeed oo cusub, iyadoo mooshino horey loo gudbiyay ay weli miiska saaran yihiin.



