Wasiirka Warfaafinta Puntland oo si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Wasiirka Beeraha Soomaaliya

0

Garoowe – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Aydiid Dirir, ayaa si kulul uga falceliyey hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), kaas oo sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto magaalada Muqdisho, isagoo ku doodday in magaalooyinka Puntland-na ay doorashooyinku si joogto ah uga dhacaan.

Wasiir Maxamuud Aydiid ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la isbarbardhigi karin amniga Muqdisho iyo magaalooyinka Puntland.

“Muqdisho iyo magaalooyinka Puntland isku mid ma aha. Puntland waxay leedahay deegaan nabdoon oo doorasho qof iyo cod ah si xor ah uga dhici karto. Magaalada kasta oo Puntland ka tirsan, dadku si nabad ah ayay codkooda u dhiibtaan, kuna soo laabtaan guryahooda ammaan ku heysta,” ayuu yiri Wasiir Aydiid.

Isagoo sii hadlaya, Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay wali wajahayso xaalado amni darro, isagoo xusay in “labada dhinacba ay Al-Shabaab ka joogaan” caasimadda, taasoo ka dhigaysa meel aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah si xor ah oo hufan.

“Haddii aad rabto doorasho xor ah, waa inaad leedahay deegaan ammaan ah. Muqdisho maanta taas ma hayso. Waa lama huraan in laga run sheego xaaladda dalka si looga gudbo caqabadaha horyaalla,” ayuu yiri.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa imaanaya xilli uu wali taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, khilaaf muddo sanado ah soo jiitamayay oo salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin dastuurka, awood qaybsiga, iyo hannaanka doorasho ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here