Muqdisho – Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa u muuqata inay cagta saarayso wejigii ugu muhiimsanaa ee koboca dhaqaale, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku dhawaaqay in bilaha soo socda si rasmi ah loo bilaabi doono qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ah oo dalka laga hirgeliyo.
Tallaabadan ayaa ka dhigan mid istiraatiiji ah, iyadoo dowladdu ay sheegtay in ay si dhab ah uga go’an tahay in la dardargeliyo qorshayaasha lagu horumarinayo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska.
Sanadihii la soo dhaafay, Dowladda Federaalka ayaa heshiisyo dhowr ah la saxiixatay shirkado caalami ah oo ku takhasusay sahminta iyo qodista shidaalka, kuwaas oo horey u sameeyay sahanno dhanka dhulka iyo badda ah.
Natiijooyinka sahannadaasi waxay tilmaameen in Soomaaliya leedahay keyd shidaal oo ballaaran, halka ceelkan la qodayo uu noqon doono tijaabadii ugu horreysay ee lagu ogaanayo heerka wax-soo-saarka khayraadkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mashruucan uu astaan u yahay yoolka dowladda ee ah in dalku ka faa’iideysto hantidiisa dabiiciga ah, isagoo hoosta ka xarriiqay in horumarkan uu keeni doono dhaqaale cusub, shaqo-abuur ballaaran, iyo koror ku yimaada miisaaniyadda qaranka.
“Qodista ceelkan waa bilowga safar dhaqaale oo cusub. Soomaaliya waxay fursad u haysataa in ay ka mid noqoto dalalka hodanka ku ah shidaalka. Tani waa fursad shacabka Soomaaliyeed u horseedi karta nolol ka wanaagsan,” ayuu yiri madaxweynaha.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo dhowr shirkadood oo shisheeye ah ay horey u saxiixeen heshiisyo baaritaan iyo qodis shidaal, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in maalgashiga noocan ah uu kaalin weyn ka ciyaari doono horumarinta adeegyada bulshada, yareynta saboolnimada, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa ku baaqaya in la sameeyo hannaan maamul oo hufan, oo si caddaalad ah loogu maareeyo khayraadka dabiiciga ah, si looga fogaado in shidaalku noqdo isha khilaaf siyaasadeed ama mid dhaqaale oo horseeda isku dhacyo gudaha ah.



