Wasiir Fiqi iyo Dhigiisa Masar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Milatari iyo Ammaanka Qaaradda Afrika

0

Qaahira – Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Masar ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Abdul Majiid Saqr, ayaa Axaddii magaalada Qaahira kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga milatari iyo horumarinta ammaanka guud ahaan Qaaradda Afrika.

 

Intii kulanka uu socday, labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha lagu ballaarin karo wada shaqeynta labada ciidan, waxayna carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada lagu sugaayo nabadda iyo xasilloonida Afrika.

Janaraal Saqr ayaa muujiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay xiriirka dhow ee kala dhaxeeya Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Qaahira diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga dhinacyada kala duwan ee difaaca iyo ammaanka.

Dhankiisa, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay dowladda Masar doorkeeda muuqda ee ku aaddan nabadeynta iyo xoojinta xasilloonida Afrika, isaga oo xusay in labada dal ay aragti mideysan ka leeyihiin arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ay wada daneynayaan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Masar, Sareeye Guud Axmed Khaliifa, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here