BAYDHABO, Oktoobar 1, 2025 – Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay warar sheegaya in gobolka Shabeellada Hoose lagu darayo gobol kale, isagoo arrintaasi ku tilmaamay “marin habaabin iyo been abuur aan sal lahayn.”
Xildhibaanku wuxuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in gobolka Shabeellada Hoose si buuxda uga tirsan yahay maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uusan ahayn “gobol muran ka taagan yahay” sida ay warar qaar sheegayaan.
“Gobolka Shabeelada Hoose wuxuu si cad uga tirsan yahay Koonfur Galbeed, mana aha gobol muran ka taagan yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.
Wuxuu intaas ku daray in xuquuqda iyo matalaadda gobolka ay si buuxda u metelaan xildhibaanada laga soo doortay deegaankaas, isla markaana wixii cabasho ah lagu xallin karo hay’adaha garsoorka iyo maamulka hoos taga.
“Laakiin in la yiraahdo ha lagu daro Gobolka Banaadir ama lagu tilmaamo gobol muran ka taagan yahay waa marin habaabin cad. Qof walba waa inuu difaacaa deegaanka laga soo doortay, been iyo marin habaabin shaqeyn mayaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.
Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar ku saabsan in lagu talinayo in gobolka Shabeellada Hoose lagu daro maamulka Gobolka Banaadir, arrintaas oo si weyn uga careysiisay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.




