KISMAAYO – Labo diyaaradood oo sida Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, ayaa la filayaa in ay goordhow ka dagaan Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo.
Ciidamadan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga sugidda amniga Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu wado in uu maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tago magaalada Kismaayo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubaland oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in ciidamadaasi loo diyaariyey sidii ay u ilaalin lahaayeen Madaxweynaha intii uu joogo magaalada.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale muujinaya in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo haatan ku sugan magaalada Nairobi, uu berri ku wajahan yahay Kismaayo. Waxaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh isna halkaas gaaro maalinta xigta.
Labada Madaxweyne, oo muddo siyaasadeed ku kala aragti duwanaa, ayaa la qorsheynayaa in wadahadallo siyaasadeed ay uga furmaan Kismaayo, iyadoo diiradda la saari doono arrimaha maamulka Jubaland, wada-shaqeynta dowladda federaalka, iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Kulanka ayaa noqon doona mid si weyn loogu eegayo gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba, maadaama uu yahay kulan rasmi ah oo dhexmari doona labo hoggaamiye oo saameyn ku leh siyaasadda dalka.




