WASHINGTON – Madaxweyne Donald Trump ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta Mareykanka ee mudada dheer xoogga saarayay faragelinta dalal shisheeye sida Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in waajibka koowaad ee dowladda uu yahay difaaca gudaha Mareykanka, halkii laga ilaalin lahaa xuduudaha dalal kale oo fog.
“Sanadihii u dambeeyay, siyaasiyiintu waxay bilaabeen inay rumaystaan in shaqadeennu tahay inaan ilaallino dhulal fogfog sida Kenya iyo Soomaaliya, xilli Mareykanku si cad u wajahayo duullaan gudaha ah,” ayuu yiri Trump isagoo la hadlayay taliyeyaasha Ciidamada Militeriga Mareykanka.
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay horaantii sannadkan, maamulka Trump wuxuu si weyn u kordhiyay howlgallada milatari ee uu Mareykanku ka wado Soomaaliya, oo ay ku jiraan tobanaan duqeymo cirka ah oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo Daacishta ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Waxaa sidoo kale sare u kacay howlgallada ciidamada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya, taasoo muujinaysa sida Maamulka Trump uu xooga u saarayo ilaalinta danaha iyo amniga Mareykanka ee Geeska Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa hadda muujinaya in uu doonayo in la joojiyo ku lug lahaanshaha aan dhamaadka lahayn ee meelaha fog, isagoo ku celceliyay in Mareykanka uu mudnaanta koowaad leeyahay, taasoo ah siyaasadda rasmiga ah ee maamulkiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kharashaadka iyo dadaalka la gelinayo dagaallada shisheeye ay dhaawacayaan awoodda Mareykanka uu ugu adeegi karo muwaadiniintiisa, gaar ahaan marka laga hadlayo amniga gudaha, la socodka xuduudaha, iyo la-dagaallanka dambiyada gudaha.
Hadalkan Trump ayaa imaanaya xilli ay jirto warbixin sheegaysa inuu Mareykanka joojiyay taageeradii Ciidamada Danab, waxaana uu si cad u muujinayaa isbeddelka siyaasadeed ee uu doonayo in uu ku sameeyo doorka Mareykanka ee caalamka.




