Muqdisho – Ka dib cabashooyin xoogan oo ka imaanayey shacabka degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cawday dhac iyo dilal ay la kulmaan rag ku labisan dareeska dowladda, ayaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed guul ka gaareen howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay eedeysane halis ah.
Ciidanka saldhigga Booliska degmada Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay Ibraahim Xasan Nuur Cabdi, oo loo haysto inuu ku lug lahaa fal dhac hubeysan iyo dhaawac culus oo uu u geystay muwaadin Soomaaliyeed.
Sida laga soo xigtay saraakiisha, eedeysanaha ayaa intii uu falka fulinayey rasaas ku furay muwaadinka, taas oo sababtay dhaawac halis ah.
Falkan, oo dhacay bilo kahor, ayaa dhaliyay caro xooggan iyo cabsi ka dhex abuurtay bulshada deegaanka. Booliska ayaa tan iyo markaas waday baaritaanno iyo howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kuwaas oo ugu dambeyn horseeday in lagu guuleysto qabashada eedeysanaha.
Ibraahim Xasan Nuur Cabdi ayaa haatan ku jira gacanta ciidamada ammaanka, waxaana la sheegay in la horgeyn doono maxkamad si uu wajaho cadaaladda, iyadoo la raacayo habraacyada sharciga ah ee dalka.
Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay inaysan marnaba aqbali doonin falalka burcadnimo iyo amni-darro ee lagu waxyeeleynayo shacabka, iyagoo ballan qaaday sii wadista howlgalada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda.
Waxay sidoo kale shacabka ugu baaqeen inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayna si dhaqso ah u soo sheegaan cid kasta oo ku hawlan falal sharciga baalmarsan.




