Gaar Lagu Rasaaseeyay Galbeedka Gobolka Mudug, Dad Shacab ah oo Dhaawac Soo Gaaray

0

MUQDISHO – Galbeedka gobolka Mudug ayaa waxaa laga soo sheegayaa fal amni darro ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Jeecboor, halkaas oo gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay.

 

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof oo saarnaa gaarigaasi ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii maleeshiyaad aan heebtooda la garanayn ay rasaas ku fureen gaariga shacabka ah.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay weerarka lagu qaaday gaariga, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda falkaas. Maamulka iyo hay’adaha amniga wali kama aysan hadlin dhacdadan.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo magalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ay maalmahan kusoo badanayeen isku dhacyada la xiriira aanooyinka qabiilka, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

Dhowaan ayey ahayd markii dhaqtar iyo ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay xiisado la sheegay in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil.

Wixii warar dheeraad ah ee kusoo kordha dhacdadan kala soco wararkeena dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here