MUQDISHO — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xayiraad saaray isticmaalka gaadiidka hubeysan ee aan ogolaansho rasmi ah lahayn gudaha magaalada Muqdisho.
Wuxuu amray hay’adaha ammaanka in ay xadidaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka noocaas ah oo kaliya loogu oggolyahay kolonyooyinka rasmiga ah ee dowladda, si loo ilaaliyo xasiloonida caasimadda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim tahay si looga hortago in siyaasiyiinta iyo kooxaha gaarka ah ay adeegsadaan gaadiid hubeysan oo sababi kara isku dhacyo ama wiiqi kara kalsoonida shacabka.
“Waxaan si hagar la’aan ah uga shaqeynay sidii aan dib ugu soo celin lahayn nabadda magaalada. Bishii oo dhan ma jirin hal dhacdo amni,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Cidna kama ogolaan doono in ay Muqdisho ku dhex socoto gaadhi hubaysan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad uu jimcihii ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada, halkaas oo uu uga hadlay caqabadaha amni ee dalka, isaga oo ku baaqay in hoggaamiyayaasha siyaasadeed ay qaataan masuuliyad.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa cambaareeyay xiisad dhowaan ka dhacday saldhiga booliska Warta Nabadda, isaga oo digniin u diray ciidamada dowladda federaalka ah, kuna sheegay in haddii aysan xakameyn xaaladda ay ka dhici lahayd dagaal dhiig badan sababi lahaa.
Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray in dhacdooyinkaas ay muujinayaan khatarta ka iman karta hay’adaha amniga ee aan isku dhafka ahayn iyo maleeshiyada aan la ogoleyn ee ka hawlgala Muqdisho.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii 25-ka Sebtembar lagu qaaday saldhiga Warta Nabadda lagu sii daayay maxaabiis lagu eedeeyay falal culus, oo ay ku jiraan xubno looga shakisanyahay xiriirka ay la leeyihiin Al-Shabaab iyo kuwo lagu soo oogay falal kufsi, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo kaabayaal saldhiga ku sugnaa.




