Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

0

KISMAAYO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Kismaayo, oo ku tagey socdaal la xiriirka xal u helda khilaafka Axmed Madoobe.

 

Waxaa bilaabatay waqti cusub oo isbeddel siyaasadeed ah kadib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madaxweyne Madobe) uu si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta oo Axad ah soo gaaray magaalada Kismaayo.

Booqashada Madaxweynaha, ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, sida dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashada ee 2026, iyo wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa laga filayaa in uu horseedo isfaham dheeraad ah iyo dardar cusub oo ku saabsan qorsheyaasha qaran ee horyaalla dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa muuqata in Kismaayo ay martigelinayso wejigii ugu horreeyay ee wadatashi qaran oo wax weyn ka beddeli kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay Kismaayo ku dhexdhexaadinayso Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, oo khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyay mudo sanad ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here