Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay ku sheegay in guul weyn laga gaaray howlgallo ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Wasiirka ayaa xusay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen deegaanada muhiimka ah ee Owdhiigle, Bariire, Sabiib, Canoole iyo deegaano kale, kuwaas oo horey ay gacanta ugu hayeen kooxda Al-Shabaab. Wuxuu tilmaamay in howlgalladaasi ay qeyb ka yihiin dadaal ballaaran oo lagu xoreynayo dhammaan dhulka ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

“Ciidamada xoogga dalka waxay muujinayaan geesinimo iyo karti ay ku xoreynayaan deegaanada ay cadowgu ku dhuumanayaan. Waxaan xaqiijinaynaa in howlgalladan ay sii socon doonaan ilaa dalka laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale caddeeyay in kooxda Al-Shabaab ay haatan ku sugan tahay xaalad rafaad ah oo muujinaysa in ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay ee burburkooda. “Waxaan dhihi karnaa Al-Shabaab waxay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay,” ayuu yiri isaga oo muujinaya kalsoonida ay dowladda iyo ciidamadu ku qabaan guusha howlgallada socda.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli howlgallo lagu magacaabo “Duufaanta Aamusan” ay ka socdaan qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada iyo degmooyinka ay wali ku dhuumaaleysanayaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidanka qaranka si dalka looga sifeeyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here