KISMAAYO, Soomaaliya – Wadahadalladii muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo maalmo ka socday magaalada Kismaayo ayaa xalay ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib markii labada dhinac ay ku adkaysteen mowqifyadoodii siyaasadeed ee hore.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Villa Soomaaliya ay weli ku dheggan tahay in la laalo natiijada doorashadii 24-ka November 2024, taasoo uu Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) mar kale kusoo baxay, halka Madaxtooyada Jubbaland ay si buuxda ugu go’an tahay in dowladda Federaalka ay aqbasho doorashadaasi oo ay u aragto mid sharci ah oo xalaal ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in midkoodna aanu diyaar u ahayn tanaasul, taasoo caqabad ku noqotay horumar laga gaaro wadaxaajoodka.
Markii ay xalay fashilmeen kulamadii ugu dambeeyay, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dib ugu laabtay Madaxtooyada Kismaayo, halka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ay ku hoydeen Guriga Martida, halkaasoo wadahadalladu ka socdeen.
Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ka ag dhow wadaxaajoodka ayaa sheegay in rajo yar oo dib-u-heshiisiin ahi ay weli jirto, iyadoo la filayo in labada dhinac ay maanta mar kale isugu soo noqdaan miiska wada hadalka si loo sii amba-qaado dadaallada xalinta khilaafka.
Wafdiga dowladda Kenya, oo garwadeen ka ah kulamadan, ayaa la sheegayaa inuu wado dadaallo xooggan oo lagu doonayo in la gaaro heshiis rasmi ah.
Kenya ayaa daneynaysa xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya, siiba xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, taas oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.
Wadaxaajoodyadan Kismaayo ayaa loo arkaa kuwo taariikhi ah oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan uu dalka ku jiro marxalad adag oo kala guur ah iyo diyaar garowga doorashooyinka soo socda.




