JABUUTI – Ururka IGAD ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadey Xabsiga Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tilmaamay mid muujinaya habac dhanka amniga ah.
Bayaanka rasmiga ah ee kasoo baxay IGAD ayaa lagu bogaadiyay geesinimada ciidamada ammaanka Soomaaliya, kuwaasoo si degdeg ah uga falceliyay weerarka islamarkaana ka hortagay khasaare weyn oo dhici lahaa.
“Weerarku wuxuu muujinayaa quusasho sii kordheysa oo ka muuqata kooxda Al-Shabaab iyo waxtarka dadaallada joogtada ah ee lagula dagaallamayo argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Weerarkan ayaa yimid waxyar uun kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sheegeen inay dileen saraakiil sare oo katirsanaa Al-Shabaab, hawlgallo bartilmaameed ah oo dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah dalka.
Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in ficillada noocan ah aysan wiiqi doonin go’aanka shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.
“Weerarkan ma wiiqi doono geesinimada Soomaaliya ama go’aanka gobolkeenna. IGAD waxay si buuxda u taagan tahay dadka iyo Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo raadinta nabad iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri Dr. Workneh.
IGAD ayaa mar kale ku celisay baaqeeda ku aaddan iskaashi joogto ah oo heer gobol iyo heer caalami ah si guud ahaan Geeska Afrika looga ciribtiro argagixisada, loona xoojiyo nabadda iyo adkeysiga bulshada.




