Saalax Axmed Jaamac oo Minnesota kula kulmay Qurba-joogta Soomaaliyeed

0

MINNESOTA, Mareykanka – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kulan la qaatay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, isagoo uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada socda ee horumarinta Soomaaliya.

 

Kulankan oo ka dhacay xarun ay isugu yimaadeen bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka, ayuu Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenku si faahfaahsan ugu sharaxay horumarka ay dowladda Federaalka ka gaartay dhinacyada ammaanka, koboca dhaqaalaha, iyo u diyaar garowga doorashooyinka tooska ah ee dalka laga hirgelinayo.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyay qurba-joogta Soomaaliyeed gaar ahaan culimada iyo ganacsatada Minnesota, kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin taageerada barnaamijyada horumarineed, abuurista fursado shaqo, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wuxuu xusay in doorka qurba-joogtu yahay mid lama huraan ah, maadaama ay yihiin laf-dhabar dhaqaale iyo mid bulsho oo muhiim u ah dib-u-dhiska dalka.

“Waa muhiim in aan mideysnaano, si wadajir ahna uga shaqeyno mustaqbalka Soomaaliya. Qurba-joogtu waxay leeyihiin door gaar ah, waxayna dhisayaan isku-xirnaanta bulshada gudaha iyo dibadda,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ugu dambeyntii ku booriyay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota inay sii xoojiyaan isku-duubnida, wadashaqeynta, iyo kalsoonida, si loo dhiso Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here