Villa Somalia oo war kasoo saartay Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

0

MUQDISHO — Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo la xiriira wadahadallo dhowaan ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaasoo u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubaland.

 

Inkasta oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in la yeeshay “wadahadallo muhiim ah oo lagu xoojinayo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada”, haddana si ula kac ah looguma xusin burburkii wadahadallada u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxaa si gaar ah indhaha uga muuqata in magaca Axmed Madoobe aanu ku jirin war-saxaafadeedka, taasoo sii hurinaysa shakiga ku saabsan khilaafka sii xoogeystay ee u dhexeeya Villa Somalia iyo maamulka Jubbaland.

Wadahadallada, oo la filayay inay horseedaan is-afgarad ku saabsan arrimo siyaasadeed iyo amni, ayaa la sheegay inuu burburay kadib khilaaf xooggan oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo awood qeybsiga, sida ay ilo xog-ogaal ah sheegeen.

Madaxtooyadu ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababaha fashilka, waxayna taasi keentay falcelin xooggan oo ka timid qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo ku eedeeyay Villa Somalia in ay isku dayeyso in ay “qariso xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta xiriirka dowladda federaalka iyo Jubbaland.”

Ilaa hadda, maamulka Jubbaland kama uusan hadlin war-saxaafadeedka Villa Somalia, balse ilo ku dhow Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkaasi uu dhawaan soo saari doono jawaab rasmi ah.

 

May be an image of text

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here