GAROOWE – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxaa), ayaa sheegay in maamulka Somaliland iyo Puntland ay dhawaan iskaashi buuxa ka bilaabi doonaan dhinacyada amniga, gaar ahaan howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada iyo burcad-badeedda.
Wasiir Juxaa ayaa sheegay in labada maamul ay qorsheynayaan in ay si wadajir ah uga fuliyaan howlgallo buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan kooxda Daacish.
“Waa muhiim in laga hortago khataraha argagixisada, waxaana dhawaan bilaabi doonnaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmadow,” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in iskaashi amni laga sameyn doono dhinaca badda, si looga hortago kooxaha burcad-badeedda ee mararka qaar ka howlgala xeebaha waqooyi bari Soomaaliya. Wuxuu sheegay in labada maamul ay daris yihiin, ayna si buuxda isula jaanqaadayaan qorshayaasha amni ee mustaqbalka dhow.
“Hawlgalka dhanka badda iyo bariga waa mid qorshihiisu socda, waxaana la rajeynayaa in si rasmi ah loo bilaabo maalmaha soo socda,” ayuu sii raaciyay wasiirku.
Dhinaca kale, arrintan ayaa caqabad siyaasadeed ku noqon karta maamulka cusub ee la sheegayo inuu ka dhismaanayo waqooyi bari Soomaaliya, maadaama gobolka Sanaag — oo uu muran ka taagan yahay — uu kamid yahay meelaha ay Somaliland iyo Puntland ka wada howlgalayaan.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa isbedel cusub oo ku wajahan xoojinta amniga gobolka, inkastoo ay jirto su’aalo badan oo ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee gobollada muranka laga qabo.




