Muqdisho, Oktoobar 07, 2025 — Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo ka dhacay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray hogaamiyaal iyo xubno kale, halka saddex kalena ay dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo beegsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA, howlgalka ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo muujisay in Al-Shabaab qorsheynayeen falal amni darro oo ay ka fulin rabeen inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 40 kamid ah Al-Shabaab lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana ciidanku burburiyeen teendhooyinkii ay ku dhuumanayeen.
Howlgalkan oo kusoo dhammaaday si guul ah ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid si weyn u carqaladeeyay qorshayaashii Al-Shabaab, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo gaaray shacabka deegaanka.
Ciidanka NISA ayaa sii wadi doona dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo lagu adkeynayo inaysan kooxaha Khawaarijtu helin meel ay kaga fuliyaan falalkooda argagixiso.





