Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wado qorshe ay ku dhiseyso Maamul Cusub oo Jubbaland ah, xaruntiisuna tahay Garbahaarey

0

Garbahaarey, Soomaaliya – Taliyaha cusub ee Ciidanka Nabad Sugidda iyo Xasilinta gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe rasmi ah oo lagu dhisayo maamul cusub oo Jubbaland ah, iyadoo xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulkaas laga dhigi doono magaalada Garbahaarey.

 

Cabdirashiid Janan, oo dhowaan loo magacaabay xilkan muhiimka ah, ayaa sheegay in qorshahani uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda dhexe ee ku aaddan sidii gobolka Gedo uu si buuxda uga mid noqon lahaa maamulka Jubbaland, balse aan ku tiirsaneyn dalal shisheeye.

“Gedo waxaan ka dhiseynaa Maamul Jubbaland ah oo aan ku xineyn dalal shisheeye ee ku xiran dowladda Federaalka, waa in shacabka u diyaar garoobaan arrintaasi,” ayuu yiri Taliye Cabdirashiid Janan oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Janan ayaa shacabka gobolka Gedo ugu baaqay inay si buuxda u taageeraan dhismaha maamulka cusub, isagoo carabka ku adkeeyay in aan mar dambe la aqbali doonin maamul uu ku tilmaamay mid si gaar ah ugu xiran dano shisheeye.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu dhawaan magaalada Kismaayo kulan aan wax natiijo rasmi ah laga gaarin ku dhexmaray Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Arrintan ayaa u muuqata mid hurin karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan khilaafka muddada dheer ka taagnaa gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here