MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar sheegayay in ay la gashay Sweden heshiis sir ah oo lagu xirayo kaalmada horumarineed iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dowladdu waxay sheegtay in eedeymahaasi yihiin been abuur iyo marin-habaabineed, ayna jirin wax heshiis noocaas ah. Wararkaasi ayaa sababay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Muqdisho ay ku adkeysatay in dhammaan taageerada caalamiga ah lagu maamulo si hufan oo waafaqsan nidaamka dowliga ah.





