DFS: Heshiiska Xamaas iyo Israa’iil Waa Tallaabo Dhanka Nabadda iyo Xuquuqda Falastiin

0

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dadaallada heer gobol iyo caalami ah ee horseeday heshiiska dhawaan lagu gaaray magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, Khamiistii, kaasi oo ay wada gaareen Xamaas iyo Israa’iil.

 

Heshiiskan ayaa xambaarsan qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la gaaro xabbad-joojin, fududeynta gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo, sii deynta maxaabiista iyo dadka xiran, iyo dib u bilaabista wadahadallada siyaasadeed ee hoos yimaada damaanad-qaadka beesha caalamka.

“Soomaaliya waxay rajeynaysaa in heshiiskan uu noqdo tallaabo dhab ah oo loo qaaday dhanka nabad waarta oo caddaalad ah, taasoo soo afjarta silica shacabka Falastiin isla markaana xasillooni iyo amni u horseeda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u hayso xuquuqda sharciga ah ee shacabka reer Falastiin – gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin in ay dhistaan dowlad madax bannaan oo leh madax-bannaani buuxda.

“Mowqifkan mabda’a ah wuxuu ka tarjumayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sharciyada caalamiga ah iyo qiyamka xurriyadda, caddaaladda, iyo wada noolaanshaha nabadeed,” ayaa lagu daray bayaanka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujisay dhammaan dadaallada iyo hindisayaasha lagu ilaalinayo karaamada aadanaha, lagu xoojinayo ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo lagu raadinayo xal caddaalad ah oo waara oo ku saabsan arrinta Falastiin.

Dagaalka ayaa sii xoojiyay go’doonka caalamiga ah ee Israa’iil wuxuuna wax ka beddelay saameynta iyo isbeddellada gobolka Bariga Dhexe, isagoo soo jiitay wadamo gobolka ah sida Iiraan, Yemen, iyo Lubnaan. Waxa uu sidoo kale cadaadis ku keenay xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo Madaxweyne Donald Trump la sheegay inuu cadaadis saaray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu si uu heshiis u gaaro.

Shacabka Israa’iil iyo Falastiin ayaa si isku mid ah u dabaal-dagay heshiiska – kaasoo loo arko inuu yahay horumar kii ugu weynaa ee lagu gaaro dhameystirka dagaalka laba sano socday, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 67,000 oo Falastiiniyiin ah, islamarkaana lagu doonayo in lagu sii daayo dadka weli u afduuban Xamaas tan iyo weeraradii bilaabay dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here