Muqdisho, Oktoobar 11, 2025 — In ka badan 50 xildhibaan oo isku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka), kuna matala deegaan doorashada Jubbaland, ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay si adag uga digayaan qorshe ay sheegeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsi yahay, Xasan Sheekh Maxamuud, ku wado burburinta nidaamka federaalka iyo faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Jubbaland.
Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in:
“Maalmahan si hoose ayaan ula soconnay damac gurracan oo uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo la mid ah falalkii uu sameeyay intii uu xilka hayay 2012–2017, falal horseeday dagaallo, barakac, khasaare nafeed iyo burbur baaxad leh oo ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Raaskaambooni, Kismaayo, Doolow, Buulo-Xaawo iyo Baardheere.”
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duullaamadaas loo adeegsaday ciidan qaran iyo dhaqaale dawladeed, taasoo keentay in argagixisada Al-Shabaab ay fursad ka helaan qalalaasaha una suurtagashay inay qabsadaan deegaano badan.
Xildhibaanadu waxay si gaar ah uga digeen shan arrimood:
- In la sii wado duullaan ciidan iyo faragelin siyaasadeed oo lagu beegsanayo Jubbaland.
- In la burburiyo nidaamka dowliga ah ee Jubbaland, laguna beddelo maamulo is-bar-bar socda.
- In lagu kiciyo colaado beeleed iyo goboleed si loo kala qeybiyo bulshada deegaanka.
- In awoodda ciidan iyo dhaqaalaha qaranka laga leexiyo dagaalka argagixisada looguna adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah.
- In la sii wado siyaasadda khaldan ee ah in ciidamada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada la isku horkeeno, taasoo u sahleysa argagixisada inay nafisaan.
Xildhibaanada oo hadalkooda sii wata waxay ugu baaqeen:
“Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, beesha caalamka iyo dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in la xalliyo khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wadahadal, is-afgarad iyo wadatashi dhab ah.”
Ugu dambeyntii, waxay xuseen in loo baahan yahay in la mideeyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, lana joojiyo ficil kasta oo dhaawici kara midnimada siyaasadeed iyo amniga dalka.
Bayaankan ayaa ah mid ka mid ah digniinaha ugu culus ee ka yimaada xildhibaanno heer qaran ah oo si toos ah uga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, taasoo muujinaysa mugga khilaafka siyaasadeed ee haatan taagan.




