Galmudug oo gacanta ku Dhigay Saddex ka mid ah Rag ku Eedeysan Dil

0

Dhuusamareeb — Ciidanka Booliiska Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan saddex ka mid ah eedeysanayaashii loo haystay dil arxan-darro ah oo Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

 

Falka dilka ah ayaa loo geystay hooyo waayeel ah oo lagu magacaabi jiray Sahro Cartan Xirsi, iyo saddexdeedii gabdhood:

  • Nuurto Axmed Maxamuud
  • Xaawo Axmed Maxamuud
  • Faa’iso Axmed Maxamuud, oo aan weli qaan-gaar ahayn.

Dilkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil, iyadoo beesha Saleebaan lagu eedeeyay in ay ka dambeysay weerarka. Ilo-wareedyo amni ayaa sheegay in afarta haween ee qoyska ahaa si qorsheysan loogu dilay fal aad u naxdin leh.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug, General Maalin, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah eedeysanayaasha, halka kuwa kale lagu raad-joogo.

“Ciidamadu waxay xireen saddex eedeysane, kuwa kale waannu ku raad joognaa, waxaana ka go’an in caddaalad buuxda la helo,” ayuu yiri Taliyaha.

Fal-dambiyeedkan foosha xun ayaa si weyn u gilgilay bulshada ku dhaqan gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug, iyadoo shacabka iyo odayaasha dhaqanku ku baaqeen in la joojiyo dilalka salka ku haya aanno qabiil oo sii hurinaya colaadaha sokeeye.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in baaritaanno ay socdaan, isla markaana la horgeyn doono maxkamad dhammaan eedeysanayaasha markay gacanta lagu dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here