Wafdi Sare Oo Booqday Degmada Awdheegle kadib markii laga saarey Al-Shabaab

0

Awdheegle – Kadib howlgal ballaaran oo iskaashiga ku saleysan oo ay fuliyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee (AUSSOM), ayaa laga saaray kooxda Al-Shabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

 

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar Khaalid ayaa booqday degmada Awdheegle, si uu u kormeero goobaha laga saaray Al-Shabaab uguna bogaadiyo ciidamada guulaha milatari ee ay gaareen.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

“Ciidamadeennu waxay muujinayaan geesinimo iyo karti, waxaana ballan qaadaynaa inaan sii wadayno howlgalka ilaa dalka laga cirib tiro kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Jeneraal Sahal, mar uu la hadlayay warbaahinta dowladda.

Isla gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale laga wadaa howlgal kale oo ballaaran, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan tahay gobolka. Ciidamada CXD oo ay garab siinayaan kuwa ATMIS ayaa howlgallo isdaba joog ah ka fuliyay tuulooyin dhowr ah oo muhiim u ah xudduudaha gobolka.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee ATMIS si loo adkeeyo amniga loona dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli dalka uu wajahayo marxalad xasaasi ah oo dhanka amniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here