Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka Qaranka

0

MUQDISHO, Oktoobar 12, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Calanka Qaranka oo ku beegan 12-ka Oktoobar, isagoo xusay qiimaha iyo sharafta ay leedahay maalintan taariikhiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay midnimada, gobannimada iyo qaranimada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay xusuus gaar ah u leedahay xilligii halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed, 71 sano kahor.

“Maanta waa maalin xusuus leh oo ay u dabbaal-degaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waa maalintii uu calanka Soomaaliyeed billowday in uu ka turjumo riyada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xornimada, midnimada iyo is-aaminaadda ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay mideeyaan dadaalkooda si ay u xoojiyaan dowladnimada, u difaacaan dalka, ugana shaqeeyaan ilaalinta danaha qaranka, si dhaxalkii halgamayaashii hore loo ilaaliyo, loona helo mustaqbal wanaagsan oo ay ku naaloodaan jiilasha soo socda.

Maalinta Calanka Qaranka ayaa la xusaa sanad kasta 12-ka Oktoobar, waxaana ay xasuus gaar ah u tahay dhammaan bulshada Soomaaliyeed oo u arka calanka mid ka turjumaya halgankii ay u galeen madax-bannaanida iyo midnimada qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here