Kulanka Addis Ababa: Maxay Kawada hadleen Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweynaha Soomaaliya?

0

Addis Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shalay magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu sheegay inay ka wada hadleen “arrimo laba geesood ah iyo kuwo gobolka ah oo ay dan guud ka leeyihiin,” sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

 

Villa Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in labada hoggaamiye ay ku kulmeen Qasriga Qaranka ee Addis Abeba, iyagoo diiradda saaray “xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga horumarineed ee ku saleysan deris wanaag, is-ixtiraam iyo wadajir lagu gaaro barwaaqo, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.”

Kulanka ayaa yimid xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso inay dhisto maamul kale oo Jubaland ah oo laga hirgeliyo gobolka Gedo — arrin la sheegay in Itoobiya iyo Kenya ka biyo diideen.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada iyo sirdoonka Itoobiya ay booqdeen magaalada Doolow todobaadkan, halkaas oo ay uga digeen odayaasha deegaanka in dhisidda maamul kale oo Jubaland ah ay halis ku tahay amniga qaranka Itoobiya iyo xasilloonida gobolka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkii hore hoggaamiyeyaasha maamulada Jubaland iyo Puntland, iyo mucaarad isbaheystay oo hoos tagaya Madasha Badbaadada Soomaaliyeed ay kulan ku yeesheen magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhawaqeen dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya — gole siyaasadeed cusub oo lagu sheegay in uu ujeeddadiisu tahay hagaajinta hannaanka kala guurka siyaasadeed ee dalka.

Isbeddeladan isdaba joogga ah ayaa dhacaya iyadoo weli dib-u-heshiisiin ay ka dhex socoto Addis Abeba iyo Muqdisho, kaddib bilo xiriirka labada hoggaamiye uu xumaaday sababo la xiriiray muranka MoU-ga Itoobiya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here