Muqdisho – Waxaa marar is xigxigay baaqday dibadbaxyo ay mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ku baaqeen, kuwaas oo ay taageerayeen dad ay dowladdu ka saartay dhulal ay sheegtay inay iyadu leedahay mas’uuliyaddooda.
Arrintan ayaa fursad siyaasadeed u noqotay mucaaradka, kuwaas oo ku eedeeyay dowladda inay shacabka si sharci-darro ah ula dhaqantay islamarkaana ku tuntay xuquuqdooda muwaadiniinimo.
Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa si kulul uga hadlay sababta marar badan ay u fashilmaan bannaanbaxyada mucaaradka, isagoo arrintaas ku sababeeyay bislaansho la’aanta bulshada ku nool caasimadda dalka.
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in ay muhiim tahay in bulshada lagu barbaariyo dhaqanka nabadda iyo muujinta aragtida si dastuuri ah, halkii lagu cabbiri lahaa qaab rabshado ama jahwareer siyaasadeed ah.
Hadalkan ayaa imanaya xilli mucaaradka qaar dhawaan ku baaqeen mudaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadaha dowladda federaalka, balse ay mar kale dib dhacday sababo la xiriira amniga.




