Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulan la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda walaalaha nahay ee Qatar, Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi.
Kulankan oo ka dhacay dalka Qatar ayaa looga hadlay iskaashi dhow oo dhex mara labada wasaaradood, gaar ahaan sidii wadajir loogu horumarin lahaa arrimaha qoyska, daryeelka carruurta iyo kor u qaadista haweenka.
Wasiirka Soomaaliya ayaa dhankeeda la wadaagtay horumarrada ay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaraddeeda ku talaabsatay, iyada oo sidoo kale soo bandhigtay casharro iyo khibrado laga baran karo. Dhanka kale, Wasiirka Qatar ayaa iyaduna ka warbixisay hababka ay u adeegaan bulshada, hay’adaha wasaaraddeeda hoos yimaada, iyo horumarrada laga gaaray dhinacyada arrimaha bulshada.
Labada wasiir ayaa ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga labada wasaaradood, iyadoo la isku weydaarsanayo khibradaha iyo aqoon kororsiga, isla markaana laga wada shaqeyn doono heshiis isfahan oo rasmi ah oo kor u qaadaya xiriirka labada dhinac.
Danjire Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Wasiirka Qatar soo dhaweynta diirran ee loo fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyadoo sidoo kale bogaadisay fursadaha iskaashi ee labada wasaaradood ay mustaqbalka dhow ka wada shaqeyn doonaan, iyaga oo horey u sii wadaya hawlaha mudnaanta leh ee ay wadaagaan.










