Muqdisho — Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Hay’adda Danish Refugee Council (DRC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee DRC Soomaaliya, Mudane Filip Lozinski.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda DRC, gaar ahaan dhinacyada Kormeerka iyo Qiimaynta (M&E), hufnaanta barnaamijyada horumarineed, iyo la jaanqaadka Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa si diirran u soo dhoweeyay madaxda DRC, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah oo dhex marta dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo xaqiijiyo barnaamijyo leh natiijooyin muuqda oo la jaanqaadaya baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee DRC, Mudane Filip Lozinski, ayaa faahfaahin ka bixiyay howsha ay hay’addu ka waddo gudaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dib-u-dejinta dadka barakacay, taageerada bulshooyinka nugul, iyo horumarinta fursadaha nolosha.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda isdhaafsiga xogta, qorsheynta wadajirka ah, iyo korjoogteynta mashruucyada si loo dardar-geliyo hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada hawlaha horumarineed.
Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay kooxda DRC booqashada iyo doorkooda firfircoon ee taageerada bulshada Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac si loo gaaro horumar waara oo la taaban karo.




