Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya oo Qatar Kula Kulmay Mas’uuliyiin Sare si Loo Dardar-geliyo Mashaariicda Horumarineed

0

DOOXA – Wasiirka Hawlaha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa magaalada Dooxa kulan miro-dhal ah la qaatay Ku-simaha Madaxa Sanduuqa Horumarinta Dowladda Qatar.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Qatar, iyo sidii Sanduuqa Horumarinta Qatar uu door muuqda uga qaadan lahaa mashaariicda la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga dhinaca horumarinta, isagoo si gaar ah u xusay baahida loo qabo maalgelin lagu sameeyo dhismayaasha istaraatiijiyadeed ee dalka sida waddooyinka, dekedaha, iyo xarumaha adeegyada bulshada.

Intaa kaddib, Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur waxa uu shir-doceed gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha Hoose ee Jamhuuriyadda Suuriya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada wasaaradood, gaar ahaan dhinacyada horumarinta magaalooyinka, qorsheynta dhulka, iyo horumarinta adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.

Sidoo kale, Wasiirka Hawlaha Guud ayaa kulan istaraatiiji ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Hantida Ma-guurtada ee Dowladda Qatar. Kulankaas ayaa lagu gorfeynayay sidii loo dhisi lahaa iskaashi rasmi ah oo dhexmara wasaaradda iyo hay’adda, si loo kobciyo nidaamka maareynta hantida dawladda, loona dhiirrigeliyo maalgashiga dhanka dhismaha iyo horumarinta magaalooyinka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa booqasho sharaf ku tegay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dooxa, halkaas oo uu si diirran ugu la kulmay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda.

Wasiirka ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee safaaraddu ka qaadato xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here