Washington, D.C. — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington D.C., si ay uga qeyb galaan shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.
Ka hor furitaanka kulamada guud, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo gaar ah la yeesheen madaxda sar sare ee IMF, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi iyo horumarinta qorshayaasha dhaqaale ee Soomaaliya.
Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee IMF, Mudane Nigel Clarke, iyadoo looga hadlay xoojinta taageerada hay’addu ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-habaynta maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha. IMF ayaa door weyn ka qaadanaysa dib-u-dhiska hannaanka maaliyadeed ee dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika, Mudane Ndiamé Diop, oo ay weheliyaan madax kale oo ka tirsan Bangiga, oo uu ka mid yahay madaxa gobolka Geeska Afrika iyo Wakiilka Soomaaliya. Kulanka ayaa lagu lafaguray mashaariicda horumarineed ee Bangigu ka wado Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga mustaqbalka.
Intaa waxaa dheer, Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta, Mudane Fawzi Yousef Alhunaif. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira dib-u-habaynta maaliyadda, fursadaha maalgelinta ee soo socda, iyo wada shaqeynta ku saabsan maareynta deymaha.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta dhaqaalaha dalka, kobcinta maalgashiga, iyo dhismaha hay’ado maaliyadeed oo hufan.




