Baladweyne, Soomaaliya — Ammaanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo xaaladda guud ee magaalada ay noqotay mid cakiran oo faraha kasii baxaysa.
Magaaladan muhiimka ah ee bartamaha Soomaaliya ayaa wajahaysa isku dhaf ah qaraxyo, dilal qorsheysan, dhac hubeysan iyo isbaarooyin si aan gambasho lahayn loo dhigtay, taasoo ka dhigeysa mid kamid ah marxaladihii ugu xumaa ee ammaan xumo ee ay soo martay.
Shacabka magaalada ayaa sheegaya in noloshii maalinlaha ahayd ay halis gashay, iyadoo ay sii kordhayaan cabsi laga qabo in xaaladdu ku qasbeyso dadka inay ka barakacaan magaalada si ay u raadsadaan meel nabdoon.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle iyo maamulka hoose ee magaalada ayaa lagu eedeeyay in ay ku guuldareysteen wax ka qabashada ammaan darrada, iyadoo aysan muuqan wax tallaabo ah oo muuqata oo lagu xasilinayo xaaladda.
Ciidamada ku sugan Baladweyne ayaa u badan maleeshiyaad aan la garanayn cida ay ka amar qaataan, kuwaasoo magaalada kusoo qulqulay tan iyo markii Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano ay horay u maamuli jireen maleeshiyada Macawiisleyda.
Wararka ayaa sheegaya in magaalada ay hadda joogaan dhowr kooxood oo hubeysan, mid kastaana uu leeyahay hoggaan u gaar ah, taasoo sii murjisay xaaladda amni ee magaalada iyo awooddii maamulka degmada.
Shalay, qarax ka dhacay magaalada ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca saddex kale, iyadoo aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.
Indhaha shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda ku sii jeeda maamulka Hirshabelle iyo dowladda dhexe ee federaalka, iyadoo laga sugayo in ay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladda Baladweyne ka hor inta aysan faraha ka bixin gebi ahaanba.




