Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku bogaadiyey Xukuumadda guulaha ay xaqiijisay

0

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran, isagoo ku amaanay guulihii waaweynaa ee xukuumaddu ka gaartay muddadii ay xilka hayaysay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada in ay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dib-u-xoreynta, dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo kororka dakhliga oo loo adeegsanayo maalgelinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa golaha wasiirrada kula dardaarmay in xoogga la saaro xaqiijinta dimuqraadiyeynta dalka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay talada ugu soo celiyaan una doortaan hoggaankooda, taasoo xoojinaysa dowladnimada iyo midnimada qaran.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee ku saabsan dalacsiinta afar diblomaasi oo loo dalacsiiyey darajada Safiir iyo Qunsul.

Diblomaasiyiinta la ansixiyey ayaa kala ah:

  1. Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed – Safiir
  2. Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim – Safiir
  3. Mudane Xasan Xuseen Xasan – Safiir
  4. Mudane Guuleed Warsame Rooti – Qunsul Guud

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda amniga, iyaga oo xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay la dilay tiradii ugu badanayd ee khawaarijta argagixisada, isla markaana la xoojiyay tababarka iyo qalabaynta ciidamada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here