Soomaaliya oo Shir-guddoomiyay Kulanka 26-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

0

Washington DC – Oktoobar 17, 2025 – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 26-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Washington DC.

 

Booqashadda Wasirka ayaa timid xilli uu dalkaasi Mareykanka ka socdo shirweynaha sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee ka jira xuduudaha iyo dhul-xeebeedyada, si loo kobciyo isdhexgalka bulshada iyo ganacsiga gobolka.

Wasiir Biixi oo khudbad kooban ka jeediyay furitaanka kulanka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dalalka Geeska Afrika ay si gaar ah u iska kaashadaan mashaariicda horumarineed ee u baahan maalgelin.

Waxa uu xusay in iskaashigaasi uu fure u yahay xasilooni dhaqaale iyo horumar waara oo gobolka ka hirgala.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray fursadaha maalgelinta iyo doorka ay hay’adaha caalamiga ah sida IMF iyo Bangiga Adduunka ka qaadan karaan hirgelinta mashaariicda muhiimka ah ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here