Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Talyaaniga

0

Rome, Talyaaniga – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan rasmi ah magaalada Rome kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Talyaaniga, Mudane Guido Crosetto, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogo dalkaasi.

 

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), la dagaallanka argagixisada, iyo maalgelinta howlgalka Midowga Yurub ee AUSSOM.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta mashaariicda wadajirka ah ee qayb ka ah Qorshaha Mattei ee uu Talyaanigu u qorsheeyay iskaashiga uu la leeyahay dalalka Afrika.

Wasiir Fiqi iyo dhiggiisa Talyaaniga ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyagoo carabka ku adkeeyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku xoojiso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhanka difaaca iyo sugidda amniga qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here