Muqdisho –Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EALA).
Xildhibaannadan oo ay doorteen labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad 15-kii bishan October, ayaa kulankooda ugu horreeya la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, si isbarasho, is-xogwaraysi iyo dardaaran guud loogu sameeyo kahor inta aysan gudan waajibaadkooda caalamiga ah.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sanatar Saalax Axmed Jaamac, iyo xubno kale oo ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare.
Guddoomiye Timacadde ayaa ugu horreyn xubnaha cusub ku hambalyeeyay xilka culus ee ay shacabka Soomaaliyeed u qaadeen, isaga oo ku booriyay in ay si hufan uga soo baxaan masuuliyadda saaran, una doodaan danaha qaranka Soomaaliyeed ee ay matalayaan.
Waxa uu si gaar ah ugu dardaarmay in ay ilaaliyaan sharafta, midnimada iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed inta ay ka mid yihiin Baarlamaanka EALA, kuna dadaalaan in codka Soomaaliya uu noqdo mid muuqda oo miisaan leh.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa muujiyay sida ay dowladdu uga go’an tahay in Soomaaliya ay door muuqda ka ciyaarto isdhexgalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka Bariga Afrika, iyadoo la xoojinayo doorka ay ku leedahay hay’adaha ururrada goboleedka.



