MUQDISHO – Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa maanta hawlgallo amni ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha milateriga.
Hawlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay nawaaxiga deegaanada Maracade, Garas Gawaan iyo Galka Saalimow, iyadoo saraakiishu ay sheegeen in uu ahaa mid nadiifin ah oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka.
Ciidamada ayaa intii uu socday hawlgalka sameeyay baaritaanno guri guri ah, iyagoo diiradda saaray guryaha ay deggan yihiin dad looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda, iyo sidoo kale meelaha halista ku ah amniga shacabka deegaanka.
War kooban oo kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in hawlgalkani uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sidoo kale xusay in ujeedadu tahay in la ciribtiro khatarta Al-Shabaab, isla markaana la sugo amniga waddooyinka muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadka rayidka ah.
Ugu dambeyntii, saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada Gorgor ay sii wadi doonaan hawlgallada noocan ah si loo xaqiijiyo in deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose ay ka jiraan nabad iyo xasillooni waarta.




