Isbedello siyaasadeed oo ka socda degmada Doolow ee Gobolka Gedo

0

Doolow, Gedo — Isbeddallo siyaasadeed ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada Doolow ee gobolka Gedo, kadib markii odayaasha beesha Reer Axmed ee degan Doolow ay kulan la yeesheen Gudoomiyaha degmada Maxamed Cabdi Lafeey.

 

Kulanka ayaa waxaa ka soo baxay heshiisyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la wado hadalsiino dhexmara Cabdirashiid Janan iyo Maxamed Cabdi Lafeey, isla markaana ciidanka Cabdirashiid Janan loo wareejiyo amniga magaalada iyo garoonka diyaaradaha Doolow.

Waxaa kaloo lagu heshiiyay in aan la badalin Gudoomiyaha Doolow Maxamed Cabdi Lafeey, sidoo kale aan la oggolaan doonin wax aargoosi siyaasadeed ama mid ciidan.

Sidoo kale, gaadiidka dagaalka ee magaalada yaalla ayaa la kala saari doonaa, ciidanka dowladda ayaa gacanta lagu celin doonaa hubka iyo gaadiidka ay leeyihiin, halka kuwa gudoomiyaha Doolow ay noqon doonaan hub iyo gaadiid shaqsi ama qabiil.

Odayaasha dhaqanka beesha hoose, gudoomiyaha Doolow, iyo Cabdirashiid Janan ayaa ka baxay magaalada Doolow iyaga oo gaaray Beledxaawo si ay Janan ugu wargaliyaan heshiisyada la gaaray iyo sidii ay xaaladda Doolow u noqon lahayd mid deggan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maalinta bari ah magaalada Doolow ay u diyaar garowdo soo dhoweynta taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan.

Arrintan ayaa loo arkaa guul u ah dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama ay tahay dhabar jabin ku ah maamulka Axmed Madoobe oo muddooyinkan gacanta ku hayay degmada Doolow, isla markaana kula loolamayay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here